Maamulka Jaaliyadda Somaliland ee Finland oo Hambalyo u diray Xukuumadda Somaliland
“Annaga oo kala ah Gudoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Finland Hassan Cumar Hurre iyo Guddoomiye ku xiigenkiisa Mudane Maxamuud Axmed Boqoor, kuna hadlayna afka Jaaliyadda ee ku dhaqan dalka Finland, waxaannu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu gadhwadeenka kayahay Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Cbdullahi (Ciro).
Madaxweynaha waxaannu si Gaara ugh hambalyeynaynaa Ictiraafkii 26kii December ay Dowladda Israel
ku dhawaaqday, taasoo rumaysay riyadii aynu 35ka sano naawilaynay.
Sidoo kale waxaannu hambalyo u diraynaa safarka Weftiga ka socda Dowladda Israel ee uu hoggaaminaho Wasiirka Arrimaha Debedda …. Oo maanta booqasho rasmiya ku tegay Somaliland.
Madaxweyne alle ha kugu guuleeyo sida qiimaha badan ee aad u wado talada Qaranka, shacabka Somaliland waxaannu usoo jeediyaynaa midnimo iyo wadajir.
Allaa Mahad Leh
Xasan Cumar Hurre, Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Finland
Maxamuud Axmed Boqore, Guddoomiye Ku xigeenka Jaaliyadda Somaliland ee Finland